Saturday, April 11, 2026
28.2 C
Mogadishu

Afhayeenka Xukuumadda “RW Rooble wuxuu ka garaabay cabashadii Hirshabelle”

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha HIrshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta muuqaalka foggaan aragga ee Internte-ka kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay shirka lagaga hadlayo wixii ka qabsoomay heshiiskii 27-kii bishii May ee ku qotomay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ka qaybgalka Madaxweynaha Hirshabelle ee shirka ayaa ku soo aadaysa, xilli Axaddii ay Hirshabelle qaadacday shirkaasi, ka dib markii ay ku andacootay inaanan lagala tashan.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu ka garaabay cabashadii Maamulka Hirshabelle, waana tan keentay in Madaxweynahoodu ka soo qaybgalo shirka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay howlo shaqo u joogay dalkaasi Turkiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...