Gaalkacyo (Halqaran.com) – Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijiyay in aabahan uu laba wiil uu dhalay ku dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, oo Puntland ka arrimiso.
Taliska Booliska ayaa falkan la xiriiriyay maandooriye uu aabahaasi isticmaali jiray, haatana ay caafimaadkiisa baarayaan, ka hor inta aan la horgayn sharciga.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in Axmed Maxamed Faarax uu labadiisa wiil ka soo kaxeeyay hooyadood oo haysatay, kadib markii uu u sheegay in goobaha waxbarashada uu ku dari doono.
“Axmed Maxamed Faarax oo 43 jir ah baa wuxuu dilay laba wiil oo uu dhalay, oo midna uu yahay 10 jir, midka kalena uu yahay 11 jir, laguna kala magacaabo Idiris Axmed Maxamed iyo Sakariye Axmed Maxamed.”
“Wuxuu ku dilay guri uu magaalada ka deganaa oo uu shalay la yimid, oo markii hore ay hooyadeed haysatay, marka shalay ayuu yiri waxaan gaynayaa iskuulo iska caadi ah, iyadana way u ogolaatay, laakiin isla shalay waxaan aaminsanahay inuu ku dilay gurigii uu deganaa.” Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa sidaa yiri.
Wuxuu intaasi raaciyay taliyaha, in ninkaasi dhowr jeer lagu xiray xabsiyada magaalada, sababo ku aaddan isticmaalka maandooriyaha iyo falal kale oo dadka deegaanka uu u gaystay.
“Dhowr jeer buu xabsiyo soo maray oo arrimo daraagis iyo waxyaabo kale oo dad uu u gaystay loo xiray.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray “Waa kiis khatartiisa leh oo aad u fool xun oo maanta meesha ka dhacay.”
Ugu dambeyn, dhacdadan ayaa noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Halka hoose ka dhageyso Wareysi uu siiyay Taliye Muumin Cabdi Shire laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, isagoona faah-faahiyay sida ay wax u dhaceen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





