Saturday, May 23, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaa ka cusub khilaafka DF Somaliya iyo Ahlu Sunna & Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda magaalooyinka…

Guriceel (Halqaran.com) – Wararka caawa naga soo gaaraya, magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan ayaa sheegaya, in iminka ay xaaladdu tahay mid degan, kaddib dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo 24 saac ugu dambeeyay halkaasi ka socday.

Ciidanka dowladda ayaa si buuxda gacanta ku haaya Matabaan iyo Guriceel, iyadoo maleeshiyaadkii Ahlu Sunna WalJamaaca ay dhinac uga baxeen.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa warbaahinta qaar u sheegay in Ahlu sunna aysan ka bixin Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana ay wali jiraan kulamo u socda Ahlusunna iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Kulamo looga hadlaayay Tilaabadda ay qaadayaan hoggaanka Ahlu sunna oo ka dhacay Xarunta INJi ayaa la isku mariwayay sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah.

Sidoo kale, waxaa Khilaaf ka dhashay tilaabadda ay qaadayaan Ahlu sunna oo soo gala dhex galay Mas’uuliyiinta Ahlu sunna ee ku sugan Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya saldhiga booliska ee magaalada Guriceel, markii ay subixii Axadda maanta ay la wareegeen kadib markii xalay ay maleeshiyada Ahlu Sunna isaga baxeen.

Si kastaba, mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa dawladda federaalka ku eedaynayey inay ka baxday heshiiskii lala gaaray, iyadoo dhinaca kalena dawladdu ay sheegtay inaysan ka bixin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...