Sunday, June 21, 2026
26.1 C
Mogadishu

DEG DEG: Nabaddoon caan ah oo Caawa lagu Dilay Kismaayo + Magaciisa

Nabadoon Siciid Ciise Adoon

Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ugu caansan magaaladaasi.

Nabadoon Siciid Ciise Adoon ayaa waxaa caawa lagu dilay halka loo yaqaano Sarta Calaaca ee xaafadda Calanley, kaddib markii ay toogasho ku dileen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Jubbaland ayaa daqiiqado ka dib goobtaasi gaaray, xilli ay baxsadeen raggii dilka gaystay, oo sida la sheegay wejiyada soo qarsaday.

Ciidamada Jubbaland oo hawlgal ka sameeyay halka uu falku ka dhacay ayaa waxaan illaa iyo hadda jirin cid la sheegay in ay dilkaasi u soo qabteen.

Waxay kaloo wararka ay intaasi ku darayaan in Nabadoon Siciid Ciise Adoon uu ku geeriyooday goobtii lagu dilay, iyadoona meydkiisa loo qaaday isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa, sidoo kalena waxaan jirin wax war ah oo Maamulka Jubbaland uu ka soo saaray tallaabada lagu dilay Nabadoon Adoon, oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada Kismaayo.

Mid ka mid ah ehellada nabaddoonka caawa la dilay oo lagu magacaabo Daahir Faarax ayaa sheegay in aanay garanayn sababta rasmiga ah ee keentay in la dilo, balse ay u maleynayan in loo dilay, isagoo ka mid ahaa Salaadiintii Arbacadii Magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Ugu dambeyn, Nabaddoon Adoon ayaa xilligaa loo magacaabay inuu noqdo wakiilka Puntland ku metelaya xafiiska urur siyaasadeed ay Puntland damacsan tahay in ay ka furto Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...