Monday, May 25, 2026
26.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo maanta goobo muhiim ah kormeeray

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Axaddii maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo Xarunta Gobolka Bari.

Kormeer Madaxweynaha ayaa waxaa ku weheliyey qaar ka mid ah Golaha Wasiirada maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, kormeerka Saciid Deni ayaa waxaa ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac, isagoona sheegay in komeerka Madaxweynuhu uu ugu kuurgelayey shaqooyinka muhiim ka ah ee labadani xarumood u hayaan Bulshada, gaar ahaan Cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu kormeeray Cisbitaalka magaalada Boosaaso, waxa uu kulan laqaatay maamulka Cisbitaalka oo Madaxweynaha usoo gudbiyey warbixin maqal iyo muuqaal ah oo ay kusoo bandhigayeen xaaladihii kala duwanaa ee uu Cisbitaalku soo maray, shaqooyinka uu bulshada u hayo iyo qorsheyaasha u yaalla‘‘ ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac.

Wuxuu kaloo hadalkiisa raaciyay, “Madaxweyne Deni intaasi kadib waxa u booqday qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Cisbitaalku, wuxuu arkay shaqada halkaasi ka socota bukaanka jiifa iyo sida shaqqaaluhu ay heegan u yihiin, waxa uu bogaadiyey shaqada adag ee ay mamaulka iyo shaqaaluhu u hayaan bulshada gobolka, Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in siyaasaddiisa meel sare uga jirto arrimaha bulshada oo ay qaybta koowaad tahay Caafimaadka.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sidoo kale kormeer ku tegey xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu kula kulmay maamulka gobolka. kormeerada iyo kulamada bulshada gobolka Bari ayaa qayb ka ah isku-duubnida iyo isku xidhnaanshaha shacabka iyo dowladda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...