Saturday, May 2, 2026
28.4 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Maxaa ka jira in dowladda Qatar ay hal maamul goboleed lacagtii loo qoondeeyay kala noqoneysa?

Muqdisho (Halqaran.com) – Dawlada Qatar ayaa dhawaan waxay ballan qaaday in Lacago ay ku taageereyso Maamul Gobolleedyada Soomaaliya si ay ugu hormariyaan ilkaaniyaatkooda Adeega Aas aasiga ah.

Dhaqaalaha lama sheegin Maamul walbo inta uu heli doono balse Xukuumada Dooxa ayaa sheegtay in Dawlada Dhexe loo soo marsiin doono Lacagta Maamul Gobolleedyadaasi.

Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya ayaa loogu soo dhiibayaa Maamul kasta, balse Shuruud ayaa la hor dhigay Jubbaland, hadii ay ka soo bixi karto.

Waxaa Maamulka Jubbaland la hordhigay inay la heshiiyaan Dawlada Federaalka oo ay la yimaadaan Siyaasad Biseyl ah.

Wasaarada Qorsheynta Jubbaland weli kama aysan hadlin Arintaan xilli Bisha dambe Ee November Lacagtaasi loo qeybinayo Shanta Maamul Gobolleed Ee Dawlada Federaalka hoos yimaada.

Si kastaba, siyaasad ahaan Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedka Jubbaland waayahaan waa ay xumeyd, lamana oga sida arintaan looga sariigan doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...