XASAASI + DAAWO VIDEO: Jawaab adag oo la siiyay Aadan Barre Ducaale ‚‘‘Kenya ciidankeeda hala baxdo, Somaliya waa hore bay gumeysi diiday‘‘

Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabada iyo Diimuquradiga Cabdullaahi Sheikh Xasan /Sawir Hore/Keydka

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabada iyo Diimuquradiga Cabdullaahi Sheekh Xasan oo Warbaahinta kula hadlay  magaalada Muqdisho, Wuxuuna dhaliilay hadalkii  dhowaan kasoo yeedhay Guddoomiyaha Aqbaliyadda baarlamaanka Kenya.

“Aadan Barre Ducaalle waxaa naga dhexeeya Af Soomaaliya, Cida  aan uunsi Aqoon, ee hadda uunsatay waa Kenya, waxaanu uga digaynaa inaysan halis faraha lagelin.” Ayuu yidhi Cabdullaahi Sheikh.

“Kenya waxay noo soo dhoofisaa Sun oo Maaliyiin ku qaadato, Waxaanu soo jeedinayaa in Ciidankooda dalka laga saaro, Soomaali waa hore ayay Gumaysi diiday, hadana aqbali mayso,   Dhulka Soomaaliya Taako  kasta oo kamid ah waxaanu u Huraynaa dhiigeena, “

“Soomaalida waxaa u dhaxeeya iyaga ayay gaar u tahay , Anagoo 22 Xisbi ah waxaanu garab istaagaynaa Dawladeena, Qaranimada Qofkii meel uga dhaca waa khaayin, “ Ayuu yidhi Cabdilaahi

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com