Tuesday, June 2, 2026
26.4 C
Mogadishu

DEG DEG: Mas’uul ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo Caawa la Dilay +Magaca

AUN Muxumad Cabdi Sugaal oo Caawa hoygiisa lagu dilay

Jowhar (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaaladda Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeelle ayaa ku waramaya in caawa weerar Bambaano loo adeegsaday lagu qaaday Hoyga uu magaaladaas ka daganaa guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha amniga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida ay mareegta Halqaran.com u xaqiiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa weerarkaan ku dhintay Allaha u Naxariistee guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha amniga Gobolka Shabeelaha Dhexe, Muxumad Cabdi Sugaal iyo wiil yar uu dhalay.

Ilaa iyo iminka wax faah-faahin ah lagama bixinin sababta sahashay in la weeraro Hoyga guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waa guddoomiye ku xigeenkii labaad ee maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ee Hirshabeelle oo lagu diley weerar muddo bil gudaheed ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda weeraradda lagu dilo Mas’uuliyiin Maamulka Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...