Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Hoobiyayaal maanta lagu weeraray Xarunta Xalane ay dagan Yihiin Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM.
Ilaa 3-hoobiyaye ayaa lagu weeraray Xarunta Xalane,waxayna geysteen khasaare dhaawac u badan, iyo burbur xoogan oo gaaray dhismayaasha Xarunta.
Inta la xaqiijiyay waxaa hoobiyayaasha ku dhaawacmay Todobo Qof oo Sadex kamid ah ay yihiin askarta Ciidamadda Amisom Laba kalana ay ahaayeen Shaqaale ka shaqeynayay Dhismaha iyo Hal Qof oo kamid ah Shaqalaha Beesha Caalamka.
Xarunta Xalane ee kutaala garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa degan taliska ciidamada AMISOM, safaaradaha reer Galbeed iyo shirkado badan oo reer Galbeed ah, xaruntan ayaana ah mid amaankeeda si weyn loo adkeeyo.
Maleeshiyaadka Ururka Al-shaabab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Hoobiyayaasha Lagu Weerarao Xarunta Xalane.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com