Friday, May 22, 2026
28.9 C
Mogadishu

XOG: Wasiirrada Puntland oo Shir deg-deg ah ka yeelanaya natiijadii ka soo baxday Shirkii Muqdisho (Maxa cusub?)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Deni

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Dani oo ku sugan Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa la filayaa in khamiista maanta ah in golihiisa Wasiiradda dhammaantood uu la qaato kulan xasaasi ah, sida ay xaqiijisay Madaxtooyadda Puntland.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in shirkaasi looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin, arrimaha Shirka Caalamka iyo Soomaaliya ee Arbacadii shalay lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Muqdisho iyo khilaafka xoogeystay ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland, Deni ayaa horay u diiday ka qeyb galka Shirka, islamarkaana qaadacay, waxaana lagu waddaa in Puntland ay ku dhawaaqdo Maanta go’aamo cusub oo ka dhan ah DF Soomaaliya.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Mr. Deni ayaa horay u sheegay iney diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Dowladda Federaalka si loo xaliyo tabashada jira, islamarkaana hal wax loo jiheeyo.

Ugu dambeyn, Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale qaadacday shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...