Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Dowladda Qadar oo si adag uga hadashay qaraxii ka dhacay Shabeellaha Hoose + Cambaareyn Kulul

Dooxa (Halqaran.com) – War ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa lagu cambaareeyay qarax miino oo Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Lix askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliyeed ayaa ku dhintay kabdib markii qarax miino lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidanka xoogga dalka oo mareysay Afgooye oo 30 kilometer u jirta magaalada Muqdisho.

Dowladda Qadar ayaa u tacsiyeeysay ehelada askartii ku dhimatay qaraxa wax ayna caafimaad degdeg ah u rajeysay askartii dhaawacyadu soo gaareen.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa fashiliyay weerar ay ururka al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidanka cirka Soomaaliya ee Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Toban dagaalyahan oo ka tirsan ururka Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose wax yar uun kaddib dhacdadaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...