Wednesday, June 3, 2026
28.3 C
Mogadishu

AKHRI: Golaha Wasiirrada DF Somaliya oo ansixiyay qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxa ay ku meel mariyeen qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo bedel u noqonaya qorshaha sideedaad ee horumarinta qaranka oo ku eg dhammaadka sannadkaan, ayaa Soomaaliya u fududeynaya cafinta deynta lagu leeyahay, waxa uunsa sidoo kale dalka ku hoggaaminaya waddada kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta faqriga inta lagu guda jiro shanta sano ee soo socota (2020-2024).

Hadafka qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka ayaa ah yareynta saboolnimada iyo sinnaan la’aanta iyada oo loo marayo kobac dhaqaale oo loo dhanyahay, shaqo abuur, hagaajinta amniga, sare u qaadidda sharciga iyo kala dambeynta iyo xoojinta xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Wasaaradda Qorsheynta ayaa diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka oo la daah-furay Deseembar 19, 2018, waxa ay wadatashiyo kala sameysay dowlad gobaleedyada, baarlamaanka, iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo ku daray talooyin qayb ka qaadanaya horumarinta qaranka shanta sano ee soo socota.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...