Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

XOG: Dowladda Somaliya oo amar ku bixisay in Saddex maalmood aysan wax diyaarado ah ka dagi karin Kismaayo (Ogow Ujeedka)!

Muqdisho (Halqaran.com) – DF Soomaaliya ayaa muddo saddex cisho ah mamnuucday wax diyaarado ah inaysan dagi karin Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose, xilli uu jiro khilaaf ka dhex taagan dowladda iyo Maamulka Jubbaland.

Maamulka Hay‘adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saaray amar ah in gebi ahaanba la hakiyay duulimaadyadii diyaaradaha ku tagi jireen Kismaayo laga bilaabo maanta oo ku beegan 23 September illaa 26 September 2019.

Shirkadaha duulimaayada ayaa la faray in uusan jirin wax duulimaad ah oo tagaya Kismaayo inta lagu guda jiro mudadaas ay xanibaada saaran tahay, wixii ka dambeeyana dib loo fasixi doono duulimaadyadii diyaaradaha ku tagi jireen Kismaayo.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo shalay la xanibay diyaarad uu Muqdisho ka raaci lahaay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo Kismaayo ku wajahnaa.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dagaal adag oo Siyaasadeed waxa ay kula jirtaa Maamulka Jubbaland iyadoo uu xaalka iminka gaaray meel xun.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...