Saturday, May 23, 2026
30.9 C
Mogadishu

Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda madaxweynayaashii hore Somaliya iyo Xildhibaano +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa hadda kulan xasaasi ah magaalada Muqdisho uga socdaa madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa kulankan looga hadlayaa Xayiraadii maanta lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo kusii jeeday magaalada Kismaayo.

Kulankaan ayaa yimid, kaddib markii uu soo dhammaaday kulan u socday Ergo ka socday dowladda oo raalin waday ay u tageen Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa dowladda ka dalbaday in ay caddeyso sababtii maanta loogu diiday inuu u duulo Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn, Warar lagu kalsoonyahay oo ay halayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in hadda uu kulan u socdo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirradii u tagay Madaxweyne Sheekh Shariif.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...