Saturday, May 23, 2026
30.9 C
Mogadishu

UPDATE: Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sheekh oo si adag uga hadlay xayiraadii lagu sameeyay garoonka Kismaayo

Muqdisho (Halqaran.com) – Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay garoonka Magaalada Kismaayo oo maalmihii ugu dambeeyay Sababay dhibaatooyin bulshada gaaray.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in Musiibo weyn ay tahay in dowladda dhexe ee Soomaaliya hub ahaan ay u adeegsanayso maamulka Hawada Soomaaliya, islamarkaana dad Shacab ah la cunaqabateeyay.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay muddo 30 sano ah sugeysay inay gacanta ku dhigto maamulka Hawadeeda, islamarkaana hada si qaldan loo isticmaalaayo.

”Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka”, ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yimid ka dib markii maanta Garoonka Muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, sidoo kalena dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xoojisay xayiraada saaran Garoonka Kismaayo.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...