Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Somaliland ay Sheekh Maxamed Idiris ku amartay inuu si deg-deg ah uga baxo Hargeysa? (Ogow Sababta?)

Sheekh Maxamed Idirs /Sawir Hore

Hargeysa (Halqaran.com) – Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Somaliland ayaa joojisay tababar Cilmiyeed oo ku saabsanaa Arrimaha Guurka iyo Muxaadarooyin Diini oo Magaalada Hargeysa ku qaban lahaa Sheekh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamed Idiris oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Hargeysa  ayaa doonayay in halkaas uu ku qabto tababar ku saabsan Arrimaha Guurka, isla markaana goob fagaaro ah dhawaan isugu keenay qaar kamid ah gabdhaha wax ka barta Iskuulada ku yaalla Hargeysa.

Sidoo kale Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa Sheekh Maxamed Idris ku amartay in Magaalada Hargeysa sida ugu dhaqsiyaha badan uu isaga baxo.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in Somaliland ay Sheekh Idris ka joojiso tababarka iyo Muxaadarooyin uu magaalada Hargeysa ku qaban lahaa.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...