Monday, April 20, 2026
28.3 C
Mogadishu

Maxay qaban doonaan guddiga cusub ee uu magacaabay M/weynaha Puntland?

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddi u qaabilsan dabagalka hirgelinta fursadaha maalgashi iyo shirkadaha maalgashi ee Puntland.

Guddigan oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Puntland, ayaa waxa uu madaxweynuha Puntland amray in ay kala shaqeeyaan Shirkadaha maalgashi iyo kuwa balanqaadyada la galay Puntland.

Afhayeenka madaxtooyada maamulka Puntland Jaamac Depraani ayaa ku tilmaamay ujeedka laga leeyahay magacaabista guddigan inay tahay fududeeynta fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland.

Magacaabista guddigan ayaa ku soo beegmaya xilli uu shalay Madaxweyne Deni uu booqasho ku tegey magaalada Garacad, iyadoo safarkaasi ay ku wehliyeen shirkado ka qayb galay shirka maalgashiga ee todobaadkan ay martigalisay Puntland si ay u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi ee ka banaan magaalo xeebeedka Garacad.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...