Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: RW Kheyre oo shacabka reer Xudur kula hadlay Garoonka Dr Waaberi, (Muxuu u sheegay?)

Xudur (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo maanta gaaray magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa la hadlay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Xudur oo isugu soo baxay Garoonka kubadda cagta ee Dr. Waaberi ayuu kula hadlay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Kheyre ayaa maamulka iyo shacabka reer Xudur kaga mahadceliyay sida diiran, ee ay maanta ugu soo dhaweeyen Xarunta Gobolka Bakool ee Magaalada Xudur.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa shacabka reer Xudur ku ammaanay sida ay meel amni ah uga dhigeen magaalada Xudur, isla-markaana ay halmeel uga soo wada jeesteen maleeshiyada Ururka Al-Shabaab.

Wuxuu Xasan Cali Khayre Garoonka Dr. Waaberi kaga dhawaaqay mashaariic horumarineed oo xukiuumadda ay ka fulineyso Magaalada Xudur. Mashaariicdan ayuu ballanqaaday in ay qayb ka noqon doonto casriyeen ay ku samayn doonaan Garoonka Dr. Waaberi.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Xudur waxaa uu kulamo kula qaadan doonnaa Maamulka Gobolka Bakool, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mr. Khayre ayaa deegaanada Koonfur Galbeed ka hirgelinaya mashaariic ay xukuumaddu ugu talagashay in lagu horumariyo.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...