Wednesday, April 29, 2026
28.5 C
Mogadishu

TOP NEWS: Bankiga Adduunka oo saadaaliyay Kobaca sanadkan ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya

Muqdisho  (Halqaran.com) – Warbixin uu isniintii shalay soo saaray Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in sanadkan la filayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu sameeyo kobac gaaraya 2.9% halka sanadkii hore uu ka ahaa 2.8% waxaana celcelis ahaan la filayaa dhowr sano guduhood uu gaari doono 3.2% illaa 3.5%.

Warbixinta Bankiga Adduunka ayaa lagu xusay in kobaca dhaqaale ee la filayo in uu shanta sano soo socota uu ku tiirsan yahay dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha Soomaaliya ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in dowladda ay wax ka badal ku sameysay siyaasadda canshuur qaadista dalka ayana taasi keentay in canshuurta ay dowladda soo aruuriso ay sanadkii la soo dhaafay kororto 29%.

“Inkasta oo horumarka la gaaray uu yahay mid dhiirragelin leh, balse lacagaha ay dowladda heysato weli kuma filna kharashaadka loogu talagalay waxbarashada iyo caafimaadka” ayaa warbixinta Bankiga Adduunka lagu sheegay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga codsaday in ay furto sanduuq loogu tala galay horumarinta waxbarashada si hay’adaha waxbarashada ka shaqeeya ay ugu fududaato in lacago badan u aruuriyaan horumarinta waxbarashada magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada dalka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...