Wednesday, March 25, 2026
27.5 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo ku baaqay in xal loo helo dadka tahriibka ah ee ku safra badaha

Nairobi (HalQaran.com) – Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay tallaabo degdeg ah inay qaadaan Midowga Yurub si looga hortago dhimasho kale oo ka dhacda badda Mediterranean-ka ka dib markii boqolaal qof ay toddobaadkii hore ku qaraqmeen xeebaha Giriigga.

Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM iyo UNHCR ayaa war ay soo saareen Sabtida maanta ah ku sheegtay in inta u dhaxaysa 400 ilaa 750 qof la rumaysan yahay inay saarnaayeen doontii Arbacadii ku degtay badda.

Waxaa la soo warrimanayaa in doonta degtay ay ku jirtay dhibaato tan iyo subaxnimadii Tallaadada ee la soo dhaafay, balse howlgalo baadi goob ah iyo samatabbixin ay sameeyeen Ilaalada xeebaha Hellenic ayaa lagu badbaaadiyay 104 qof ,halka la helay 78 qof oo meyd,waxaana illaa hadda maqan dhowr boqol oo ruux.

Sidoo kale, IOM iyo UNHCR ayaa yiri, “Waajibka lagu badbaadinayo dadka ku dhibaataysan badda iyada oo aan dib loo dhigin waa xeerka aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah ee badaha”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...