Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka

Sharma El-Sheekh (HalQaran.com) – Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-23) oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka.

Madashan oo ka dhacaysa magaalada Sharma El-Sheekh ee dalka Masar ayaa waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo isku dhaafsanaya waayo-aragnimadooda la xiriirta horumarradii ugu dambeeyay ee nidaaminta qeybaha Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda.

Maalintii ugu horreysay ee Shirweynaha ayaa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane, Mustafa Yaasin Sheekh waxa uu ka qeybgalay dood-cilmiyeed loogu talagalay madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, halkaas oo uu kaga hadlay istaraatiijiyadda qaranka iyo hababka lagu kobcin karo iskaashi dhexmara qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada dhijitaalka.

Maareeyuha ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay in la yeesho siyaasad iyo xeer-nidaamin kor u qaadaysa hal-abuurka, tartanka suuqa iyo ilaalinta macaamiisha.

Maareeyuhu wuxuu xusay wax-wada qabsiga dowladda iyo ganacsatada (PPPs) iyo iskudubaridka Hay’adaha dowladda in ay yihiin labo tusaale oo muhiim u ah wada-shaqeyn dhexmarta qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada dhigitaalka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...