Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

Somaliland oo war yaab leh ka soo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

Hargeysa (Halqaran.com) – Taliyaha guud ee ciidanka milatariga Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanioo la hadlay warbaahinta ayaa sheegasho yaab leh ka soo saaray dagaal culus ee weli ka socda Laascaanood, kaas oo galay todobaadkii saddexaad.

Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani ayaa shaaca ka qaaday in Laascaanood ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab iyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab baa joogta Laascaanood oo ku dagaalameysam waxaa ka dagaalamaya Puntland iyo kuwa kale oo Koofur kasoo baxsaday,” ayuu yiri Nuux Ismaaciil Taani.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay haddii aan laga hortagin duulaan uu sheegay in lagu soo qaaday Laascaanood ay halis noqoneys Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya.

“Halkan haddii aan Shabaab laga sifeyn, Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliland khatar-bey ku tahay,” ayuu markale markale yiri taliyaha ciidamada milatariga Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu intaas hadalkiisa raaciyay, in Somaliland ay difaaceyso nabad-gelyada Geeska Afrika, ayna diidan tahay in wax uu ugu yeeray agagixiso ay saldhiga ka dhigato halkaasi.

“Annaga waxaan difaaceynaa nabad-gelyada Geeska Afrika oo waxaan la dagaalameynaa in nimankan ay saldhig ka dhigtaan hadalkan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyuhu.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay.

Ilaa iyo hadda lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada magaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...