Wednesday, June 24, 2026
25.8 C
Mogadishu

Sarkaal u fududeyn jiray Al-Shabaab qaraxyada Muqdisho oo dil lagu xukumay

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo lagu helay inuu gudbi jiray oo bartilmaameedkooda gaarsii jiray qaraxyadii ay Muqdisho ka fuli jirtay Al-Shabaab.

Ninkaan oo illaa dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne Cabdiqaasin ka soo tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa fududeeyey in la qarxiyo goobo ay ka mid ahaayeen, Village Hotel and Restaurant, Baar Italia, agagaarka Mall-ka Xamar-weyne, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant, Agagaarka Aargada Xeebta Liido.

Ugu yaraan 27 qof oo isugu jiro qaybaha bulshada ayaa ku geeriyooday qaraxyadii uu fududeeyey sarkaalkaan, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ah iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa.

Ugu dambeyn, 19-kii November 2022 ayuu ninkaan soo galay gacanta hey’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa maanta warbaahinta la wadaagay in Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle ay Maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...