Tuesday, June 2, 2026
26.7 C
Mogadishu

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Isniinta maanta ah ka furmay Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo u dhexeeya  Madaxda Dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagus aari doonaa qodobbo dhowr ah.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya Shirkaaan, waxaana qayb ka ah sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka Saalax Jaaamac.

Ajandaha shirkan oo horay loo sii shaaciyay ayaa ka mid ah dhameystirka dhismaha Garsoor Federaal Madax Bannaan Hufnaan leh, Asteynta awooddaha heerarka kala duwan iyo Dhameystirka nidaamka Federaalka oo ay ka mid tahay maqaamka Caasimadda Muqdisho, nidaamka qeybinta tirada xubnaha Aqalka Sare oo qorshuhu yahay in dib u eegis lagu sameeyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...