Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Cadaado oo lagu xiray Odayaashii heshiiska la soo galay Al-Shabaab

Cadaado (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xabsiga dhigay Odayaal subixii Axadda maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada ay maamulaan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri” Odayaasha waa la xiray waxaana loo gudbiyay Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo cidna lagama aqbalayo in Al-Shabaab ay la tacaamisho”

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa yiri” Odayaasha maanta Hadlay waa dambiilayaal tallaabo ayaana laga qaadayaa xitaa wariyaashii Wareystay cadaaladda ayaa la hor keenaa”

Shirkii jaraa’id oo ay saaka qabteen ayey odayaasha Saleebaan ku beeniyeen inay la shaqeeyaan Al-Shabaab, balse waxay qirteen inay ugu tageen arrimo xal raadin ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...