Cadaado oo lagu xiray Odayaashii heshiiska la soo galay Al-Shabaab

Cadaado (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xabsiga dhigay Odayaal subixii Axadda maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada ay maamulaan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri” Odayaasha waa la xiray waxaana loo gudbiyay Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo cidna lagama aqbalayo in Al-Shabaab ay la tacaamisho”

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa yiri” Odayaasha maanta Hadlay waa dambiilayaal tallaabo ayaana laga qaadayaa xitaa wariyaashii Wareystay cadaaladda ayaa la hor keenaa”

Shirkii jaraa’id oo ay saaka qabteen ayey odayaasha Saleebaan ku beeniyeen inay la shaqeeyaan Al-Shabaab, balse waxay qirteen inay ugu tageen arrimo xal raadin ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com