Wednesday, October 29, 2025
26.6 C
Mogadishu

Gaari Bas ah oo ku dhacay Webi iyo Khasaaro badan oo ka dhashay

Galicia (Halqaran.com) – Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay kadib markii bas uu ku dhacay webi isaga oo ka gudbayay buundo gobolka Galicia ee waqooyi-bari Spain, sida uu Axadda maanta ah sheegtay hay’adda Adeegga Gurmadka degdegga ah.

Shilkan ayaa habeenkii xalay ka dhacay meel u dhow magaalada Vigo oo aan ka fogeyn xuduudda dalka Portugal. Wargeyska gobolkaasi ee La Voz de Galicia ayaa wariyay in baska uu siday dad booqanaya ehelladooda oo ku xiran xabsiga ku yaalla Monterroso oo ah bartamaha Galicia.

Adeegga Gurmadka Degdegga ah ayaa sheegay in laba meyd laga soo saaray wabiga, iyadoo laba qof oo uu darawalkii basku ka mid yahay la soo samata bixiyay laguna daweynayo isbitaal.

Adeegga Gurmadka Degdegga ah ayaa farriin uu ku qoray Twitter-ka ku sheegay in ay jiri karaan dad intaas ka badan oo baska la socday, waxaana ay baahiyeen sawirka baska qalibmay oo wabiga ku dhex jira.

Saddex qof ayaa la la’ yahay sida ay warineyso warbaahinta Spain, inkastoo warkan aysan saraakiisha dowladdu xaqiijin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...