Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Ciidamada DF Somaliya iyo kuwa ATMIS oo si wadajir ah howlgal u sameeyay

Jowhar (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya iyo Ciidamada Burundi ee ka amid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Howlgalka oo ahaa intiisa badan mid miino baaris ah ayaa Ciidamada waxa ay sigaar ah uga fuliyeen inta u dhaxeeysa Garoonka diyaaradaha iyo Magaalada Jowhar iyo banaanka Garoonka.

War ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada ATMIS iyo ciidamada Soomaaliya ay ku qiimeynayaan oo ay ku xaqiijinayaan xarumaha muhiimka ah iyo xarumaha dadweynaha ee Soomaaliyeed.

Intii ay howlgalka ku guda jireen Ciidamada ATMIS ayaanan jirin waxyaabo ay ku soo qabteen, balse ujeedkoodu uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Wadada xiriirisa Magaalada Jowhar & Garoonka diyaaradaha oo Madaxda Mamulka Hir-Shabeelle ay ku safraan.

Waxay aheyd dhawaan markii qarax miino oo ka dhacay Wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha uu ku dhintay Maareeye ku-xigeenkii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...