Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe kuso dhoweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, labadda Golle Maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada caasimada Garoowe.
Madaxweyne Laftagareen iyo wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe, isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada.
Laftagareen iyo Deni ayaa ka wadatashan doona arrimo kala duwan, isla markaana iska xog-wareysanaya xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo arrimo la xiriira dowladda Federaalka.
Waxay aheyd maalmo ka hor, markii uu Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni yimid magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ,isaga oo saacado kadib ku laabtay Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





