Friday, July 10, 2026
26.8 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Madaxweyne Geelle oo arrimo muhiim kawada hadlay

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howgalka dib u xoreynta dalka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadidoonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaado Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...