Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al Rumaithi.
RW Xamse iyo Danjiraha, ayaa ka wada hadlay adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan iyo dardargelinta taageerada dhinacyada kala duwan oo ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya.
Safiirka ayaa dhawaan Warqadiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Xafiiska Wararka Halqaran.caom
Halqarannews@gmail.com





