Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay masiibadii ka dhalatay qaraxyadii ay Sabtidii Khawaarijta Al-Shabaab ka geysteen isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif ayaa ugu horeyn dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si hagar la’aan ah isugu gurmadaan, maadaama ay dhacday musiibo baaxad weyn.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay la imaato qorshe cad oo looga jawaabi karo xaaladaan deg degga ah, sidoo kale wuxuu dowladda ku adkeeyey inay tallaabooyin deg deg ah Al-Shabaab uga qaado furimaha dagaalka.
“Arrintaan u jeedkeedu waa in dagaalka lagu hakiyo, waxaan soo jeedinayaa in aan loo jilcin hala sii laban laabo dagaalka, mar hore ayaa laga quustay kooxdaan dadka dhibaateyneysa, yaan dagaalka laga jilcin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif.
Wuxuuna sidoo kale ku baaqay in dagaal looga furo meelaha hadda aysan dagaaladu ka socon ee argagixisada Al-Shabaab joogto, si deg deg ah looga guuleysto.
Halka hoose ka daawo Muuqaalka Sheekh Shariif Sh. Axmed:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





