Saturday, May 23, 2026
30.9 C
Mogadishu

Soomaaliya oo la wareegtay Shir guddoonka Ururka DLCO-EA ee Kampala

Kampala (Halqaran.com) – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XF Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee ururka xakameynta Ayaxa iyo dulimada hayaama ee dalalka Bariga Afrika magaciisana lagu soo gaabiyo DLCO-EA.

Ururkaan ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 1962-dii, kaa soo sanadkiiba mar la qabto.

Shirkan oo ahaa mid heer wasiir ah oo ay ka soo qayb galeen dhammaan wasiirrada beeraha dalalka bariga Afrika ayaa waxaa shir guddoonka 2022 illaa 2023 la wareegay dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo ugu dambeysay sida uu wasiirku sheegay in ay shir guddoomiyaan siddeetameeyadii.

Soomaaliya ayaa inta badan ka soo muuqanaysay dhammaan ururka ay xubnaha ka tahay ee heer gobol iyo heer caalami intaba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...