Sh/Hoose (Halqaran.com) – Dagaal xooggan ayaa xalay waxaa uu Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo xubno kamid ah Urirka Al-Shabaab uu ku dhexmaray deegaanka Birtaqleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad ayaa ka dambeeyay, kadib markii Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay weerareen deegaanka Birtaqleey oo u dhow deegaanka lambar Konton, halkaas oo la sheegay inay isku aruursanayeen Ururka Al-Shabaab.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka si weyn looga dareemay deegaanka Birtaqleey, isla markaana hal Ruux oo dadka deegaanka ah uu ku dhintay dad kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale waxaa jira khasaaro gaaray labada dhinac, balse aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa dhankooda sheegay inay ka warheleen in degaanka Birtaqleey ay isku aruursanateen Al-Shabaab, si ay weerarro u geystaan, balse ay Ciidamadu ka hortageen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





