Thursday, June 4, 2026
27.8 C
Mogadishu

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay Xadka u dhaxeeya dalalka Ruwanda iyo Congo

Congo (Halqaran.com) – Muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay gaari weyn ay wateena lagu gubay Xadka ay wadaagaan dalalka Rwanda iyo Congo.

Gaariga ay saarnaayeen labada Muwaadin ee Soomaalida ee la gubay lana dilay ragii la socday ayaa wararku sheegayaan in uu ka safray dalka Kenya.

Dadka falkaasi geystay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen Kooxo Burcad ah oo inta badan dhibaatooyin u geysta dadka iyo Gaadiidka ku safra waddada u dhaxeeysa Xadka ay wadaagaan dalalka Rwanda iyo Congo.

Weli kama aysan hadlin dowladaha Rwanda iyo Congo falkaan, waxaana horay u jirtay in wadadaas sidaan oo kale loogu dilay rag u dhashay qaar kamid ah wadamada Afrika oo halkaasi ku safrayay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...