Friday, May 15, 2026
27.7 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho ‘Madaale’ oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo dagaal culus kula galay Argagixisada Al-Shabaab Deegaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa u kuur-galay xaalada Caafimaad dhaawacyo horey loogu keenay gobolka Hiiraan oo ku jira Isbitaalka Digfeer.

Duqa Muqdisho ayaa waxa uu eebe ugu baryay dhamaan dhaawacyada ku soo waxyeeloobay howlgalada dalka loogu xorreynayo argagixisada in uu caafimaad deg-deg ah Alle siiyo, isagoo xusay in ay garab taagan yihiin ciidamada kala gedisan ee Qalabka sida iyo Shacabka Dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha argagixisada, isla markaana Ciidanka Qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xorreyn lahaa Kooxaha Khawaarijta ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Xaaladda deegaanka Masjid Cali Gaduud ayaa saaka degan, waxaana wali socda howlgalo lagu nadiifinayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...