Qardho (Halqaran.com) – Waxaa daadad xooggan ay ku soo rogmadeen xaafado ka tirsan magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee Puntland, kadib markii roobab xooggan ay xalay iyo shalay ka curteen magaalada.
Biyo aad u farabadan ayaa galay Badi Guryaha dadka ay degan yihiin ee ku yaalla Magaalada Qardho iyo Goobaha Ganacsiga, waxaana la sheegay in ilaa iyo hadda laba Ruux ay ku geeriyoodeen.
Dad badan ayaa sidoo kale ku go’doonsan waddooyinka iyo xaafadaha qaar ee Magaalada Qardho, iyagoo halis ugu jira inay biyuhu qaataan, sida ay ku soo warramayaan dad Goobjoogayaal.
Guddoomiyaha Gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar ayaa sheegay in gudaha xaafadaha qaar ee la gali waayay saacidihii hore, balse haatan weli lagu howlan yahay sidii dadka loo soo badbaadi lahaa, isla markaana khasaaraha ka dhashay daadadka ay dib ka faah-faahin doonaan.
Laba sano ka hor magaalada Qardho ayaa sidaan oo kale ay daadad ugu soo rogmadeen, waxaayna geysteen khasaare ballaaran oo isugu jira dhimashada dad shacab ah iyo burbur hantiyeed, sida guryo dumay iyo xarumo ganacsi oo biyuhu qaateen.
Ugu dambeyn, gurmad adag ayaa lagu bixiyay ka jawaabidda musiibadii xilligaas, iyadoo dowladda federalka kaligeed ay bixisay lacag dhan hal milyan oo dollar, balse lacag lagu qiyaasay dhowr milyan oo dollar oo loogu talo galay dadka daadadku saameeyeen iyo kasii tabaabushaysiga daad dambe oo yimaada, aan la ogayn halka uu ku dambeeyay dhaqaalahaas.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





