Istanbul (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Isbitaal ku yaalla magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku booqday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Prof. Jawaari ayaa Sheekh Shariif uga warbixiyey xaaladdiisa Caafimaad ee lagula tacaalay dalka Turkiga, wuxuuna sheegay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka in xaaladdiisa ay tahay mid aad u wanaagsan oo kasoo hagaageysa sidii hore.
Maxamed Sheekh Cismaan ayaa ayaa xusay in lagu sameeyay baaritaano kala duwan oo Caafimaad, isla markaana jawaabaha soo baxay lagu wargeliyay in xaaladdiisa ay tahay mid wanaagsan oo usan jirin wax xanuun ah oo haaya.
Sidoo kale, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in si gaar ah looga baaray Kilyihiisa, isagoona Carabka ku dhuftay in loo sheegay inay u fiican yihiin, lana hubiyey.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Caafimaad u rajeeyay Prof. Jawaari, isagoona xusay, inuu kala sheekeystay xaaladiisa caafimaad, uuna fiican yahay Jawaari, sidoo kalena u rajeeyay inuu ilaahay caafimaadka u siyaadiyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





