Muqdisho (Halqaran.com) – Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta (SJS), Cabdalla Axmed Muumin ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii shalay lagu xiray Magaalada Muqdisho, maalin uun kadib, markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay damaanad ku sii deysay.
Laamaha amniga ayaa ninkan ka qabtay Garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in arrimo caafimaad uu ugu socday magaaladaasi, sida lagu sheegay qoraal fiidnimadii xalay lagu daabacay bogga Ururka SJS ee Twitter-ka.
“Cabdalla Axmed Muumin, kelyo xanuun aad u daran ayuu qabaa, wuxuuna bilaabayaa cunto-joojin, haddii la sii hayo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Talaadadii hore ayaa sidaan oo kale loogu xiray Garoonka Aadan Cadde, oo looga sii gudbiyay xabsiyada kale ee magaalada ku yaala. Xariggiisa ayaa yimid, ka dib markii 10-kii bishan uu walaac ka muujiyay awaamiirtii Dowladda Federaalka ay ka soo saartay inaanan la buunbuunin karin wararka Al-Shabaab.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa Arbacadii sheegtay in loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kiiskiisa dib u dhigtay muddo 45 cisho ah, ka gadaal markii Xeer Ilaalintu codsatay in dib loo dhigo maxkamadeynta ninkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





