Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo maanta ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo Safar shaqo Baydhabo u jooga.
Kulanka Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xooga Dalka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta howlgalada lagu Ciribtirayo Ururka Al-Shabaab iyo sidii looga sifeyn lahaa guud ahaan Deegaanada Koonfur Galbeed.
Axaddii shalay ayay aheyd markii ay gareen Magaalada Baydhabo, Wafdi uu u hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana kamid ah wafdigaas mas’uuliyiin katirsan Dowladd Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





