Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto ururka Al-Sabaab, isla markaana ay sameyneyso waxkasta oo dalka looga saari karo.
RW oo Wareysi ku siiyay Magaalada Addis Ababa Warbaahinta Alcarabiya TV ayaa sheegay inay cunaqabatayn ku soo rogi doonaan cid walba oo gacan saar la leh Al-Shabaab si ay uga guuleystaan.
Wuxuu intaasi raaciyay Ra’iisul wasaare Xamse in Dowladda Soomaaliya dagaallada ka socda Gobollada dalka ay guulo waaweyn ka gaartay, kadib markii ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee is abaabulay deegaanno badan kala wareegeen ururka Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay guulo ka keenaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayna kala wareegaan degaannada iyo degmooyinka ay kaa sugan yihiin dalka.
Ugu dambeyn, hadalka ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal meel walba uga furtay Al-Shabaab, isla markaana dhawaan Wasaaradda ganacsiga ay digniin u dirtay ganacsatada iyo shirkadaha ka howlgalla dalka, kuwaas oo ay sheegtay in aanay wax la xiriir la sameyn karin Al-Shabaab, siina karin wax lacag ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





