Burkina Faso (Halqaran.com) – Waxaa Madaxweyne ku meel gaar ah loo magacaabay ninkii hoggaaminayay afgambigii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Burkina Faso Kabtan Ibrahim Traoré.
Wuxuuna xilka Madaxweyne-nnimada uu sii heyn doonaa tan iyo inta doorasho laga qabanayo dalkaasi bisha July sanadka 2024-ka.
Golaha Qaranka ee dalka Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay in kabtan Ibrahim Traoré aan loo oggolaan doonin in uu isu soo sharraxo doorashooyinka .
Wuxuu talada kala wareegay labo toddobaad ka hor Lt-Gen Paul-Henri Damiba, oo isaga laftiisa sameeyey afgambi bishii Janaayo isagoo maamulkii xilligaas ku eedeynaya in a awoodi waayeen in ay wax ka qabtaan maliishiyooyinka Islaamiga ah .
Weerarada kooxahaas ayaa sii xoogeystay, kadib markii jananku awoodda qabsaday taas oo keentay in Capt Traoré uu awoodda xoog kaga tuuro
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





