Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

RW Xamse Cabdi Barre oo ballan qaad u sameeyay Ciyaartoyda Xulka Qaranka U17

Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyay ciyaartoyda kubadda cagta ee qaranka, ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sano, kuwaa oo guulo taariikhiya ka gaaray tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.

Ciyaartoyda Soomaaliyeed ayaa Arbacadii u soo gudbay ciyaarta kama dambeysta ah ee fiinalaha, ka dib markii ay rigooreyaal kaga adkaadeen dhiggooda Uganda.

Ciyaarta finalka ayay maalinta Sabtida la ciyaari doonaan ciyaartoyda dalka South Sudan, waxayna labada kooxood u soo baxeen tartanka AFCON ee 2023 ka dhici doona dalka Algeria.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xalay Magaalada Addis Ababa kulan dhiirigelin iyo taageerid ah kula qaatay ciyaartoyda Soomaaliyeed, isagoona ciyaartoyda, tababarahooda iyo masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta ku ammaanay guusha ay u soo hooyeen magaca Soomaaliyeed, oo uu ku tilmaamay inay tahay mid dhaxalgal ah.

“Dhallinyaro dadaal dheeri ah ayaan idinka rajeynaynaa, haddii Ilaahay yiraahdo, oo dardaaranku yahay, waxaan idinka rajeynaynaa akhlaaq fiican iyo dhaqan wanaagsan oo ina meteli kara, laba siba way inoo meteli karaan, inaad ciyaaraha xariifiin ku noqotaan oo goolal fara-badan keentaan, dalka waad ku metelaysaan, waxaa kaloo inagu meteshaan akhlaaqda, is dhageysiga, Muslinimada, Salaadda iyo qofba qofka kale inuu ixtiraamo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa ciyaartoyda u ballanqaaday abaalmarin ay ku farxi doonaan, haddii ay koobka ku guuleystaan iyo haddii kaleba.

“Anigu waxaan idiin ballanqaadayaa, haddaad soo guuleysataan iyo haddii aydan soo guuleysanba, horta hadda waad guuleysateen, saan guul baad ku fadhidaan, laakiin tan abaalmarintu meel bay ku xiran tahay, laakiin haddaad soo qaaddaan koobkana, taas wax weyn bay noqonaysaa, Insha’Allah. Abaalmarinaa leedihiin, haddana waad leedihiin, laakiin way kala weyn yihiin, tan soo socoto haddaad ku guuleysataan, waa abaalmarin qiimo leh oo aad iyo aad u wanaagsan, aadna ugu faraxdaan ayay xukuumaddu bixin doontaa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Barre.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...