Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

Xulka 17 jirada Soomaaliya oo gaaray final-ka tartanka is-reebreebka CECAFA

Kampala (Halqaran.com) – Xulka kubbadda cagta 17 jirrada ee Soomaaliya ayaa natiijo Rigoorayaal (7-8) kaga adkaaday xulka 17 jirrada dalka Uganda, ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Labada xul ayaa kulankooda wuxuu ku soo dhamaday 1-1.

Xulka Soomaaliya ayaa gool lagala hormaray waxay iskasoo gudeen intii lagu jiray qeybtii hore ee cayaarta. Kadib markii uu gool aad u qurux badan u dhaliyay cayaaryahan lagu magacaabo Cabdixafiid.

Xulka Soomaaliya ayaa guushan uga dhigan inay u soo gudbeen Final-ka Isreebrebka 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa.

Soomaaliya haddii ay ku guulaysato tartankan waxay si rasmi ah uga qeyb gali doontaa tartanka 17 jirada ee CEFAFA oo 2023 ka dhacaya waddanka Aljeeriya.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud ayaa Hambalyo u diray xulka 17 jirrada guusha taariikhiga ah oo ay kasoo hoyeen ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Mr Barre ayaa ku ammaanay inay xulka uu ka soo baxay daddaalkii laga filayay, wuxuuna u rajeeyay inay ku guulaysandoonaa tartanka isreebreebka ah.

Xulka 17 jirada Soomaaliya ayaa final-ka la ciyaari doono kooxda kasoo baxday guruubka labaad, waxayna haddii ay ku guulaystaan noqonaysaa markii ugu horraysay oo tartan nuucaan ah ay qaadaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...