Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Booliska Gobolka Banaadir oo taliye cusub loo magacaabay, kadib markii…

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Talaadada maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin.

G/le Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa beddelaya Taliyihii hore ee qeybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo 30-kii Bishii September lagu dilay qarax ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Mahdi ayaa Shaqooyin kala duwan ka soo qabtay Hay’adaha Amniga dalka, isaga oo mar soo noqday Taliyaha Arrimaha Bulshada Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA iyo xilalka kale.

Sidoo kale, Taliyaha cusub ee qeybta Booliska obolka Banaadir Gaashaanle Mahdi ayaa hadda ahaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda NISA qeybteeda deegaannada Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...