Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare oo sheegay in Al-Shabaab waqtigooda uu dhammaaday

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay wakaaladda Wararka ee SONNA, ayaa ka warbixiyay howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ka socda dalka, isagoona sheegay inuu soo dhammaaday mashruucii nabad-diidka ee shacabka ay ku gumaadi jireen.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Xamsa ay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo in mashaariic horimaneed laga fuliyo deegaannada laga xoreynayo argagixisada.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa wareysiga ku sheegay in Al-Shabaab kaliya ku soo koobmeen dhibaateynta bulshada, sida in ay ceelasha bur buriyaan, shacabka laayaan iyo in ay dhaqaalo baad ah ka qaataan shacabka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ah.

Wuxuuna howlgalka iyo kacdoonka shacabka ku tilmaamay mid ahmiyad gaar ah u leh dalka si loo helo Bulsho amni ah oo nabad ku wada nool.

“Dagaalkaan argagixisada lugula jiro waa mid dawladu ay wado, wakhtigaan wixii ka dambeeya nimankaas waxay ku joogi karaan anaga rabitaankeena, nabad diidku wakhtigoodi waa dhamaaday sidaan aaminsanahay balse wakhtiga lugu sifaynayo yuusan nala dheeraan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna tilmaamay in dowladda ka go’an tahay xorreynta dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...