Kampala (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga billaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasimadda dalkaas.
Mudane Xasan ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xorreynayo argagixisada Al-Shabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.
Madaxweynaha JFS ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





