Sunday, April 19, 2026
29 C
Mogadishu

Dowladaha Soomaaliya iyo Finland oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJF Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Finland, Mudane Matti Vanhanen.

Labadaan mas’uul ayaa waxa ay kawada hadleen xiriirka iyo saaxiibtinnimada labada Baarlamaan iyo wada shaqeyntooda.

“Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda, sidoo kale waxaan isla soo qaadnay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha”

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Sheekh Aadan oo la hadlay dhigiisa Finland ayaa sheegay in laga wada shaqeeyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Finland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...