Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

DEG DEG: Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho, (Ujeedka)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Bankiga Adduunka ayaa la filayaa in dhawaan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 12-ka bishan aynu ku jirno uu si rasmi ah Muqdisho u soo gaari doono wafdigan.

Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa ah sare u qaadidda howlaha Bini-aaddan-nimada Soomaaliya, taageeridda nabadda iyo dedaallada horumarinta Dalka.

Sidoo kale, wafdigan ayaa waxaa uu socdaalkiisu salka ku hayaa sidii loo xoojin lahaa taageerada ay Beesha caalamku u fidiso Soomaaliya, wax ka qabashada arrimaha barakacayaasha iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladaha Bini’aaddan-nimo.

Wuxuu la kulmi doonaa wafdigan markii uu yimaado caasimadda Muqdisho, madaxda Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah, waxanay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan hoggaamiyeyaasha dadka ka soo barakacy Abaaraha iyo shaqaaqooyinka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...