Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh Loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe +SAWIRO

Garoowe(Halqaran.com) –Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Nugaal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Garoowe ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo madaxweynaha kaga horreeyey magaaladaasi, si ay qayb uga noqdaan soo dhaweyntiisa.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Puntland kala dhexeeysa dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dalka  ayaa sidoo kale xalin doona tabashooyin dowlad Goboleedka Puntland ka qabto dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ka wada arrin doona Arrimo kale oo gaar ah.

Wafdiga uu Madaxweynaha hoggaaminya waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Ugu dambeyn Safarka Madaxweynaha ee Puntland ayaa noqday kiisii saddexaad ee uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii 15-kii May, wuxuuna horey u soo booqday Maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...