Tuesday, May 26, 2026
26.3 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kormeeray Xurumaha Ciidamada XDS.

Baledweyne(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Guudlaawe, ayaa kormeeray ciidamada militeriga ee la dagaallamaya kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay ciidamada guulaha ay ka gaareen deegaannada laga xoreeyay kooxda Alshabaab ee gobolka Hiiraan  isaga oo ku tilmaamay inay yihiin geesiyeyaal difaacaya Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ciidamada la wadaagay inay garab taagan yihiin, ayna u diyaar garoobaan xoojinta howlgalada lagu ciribtirayo Kooxaha Nabad diidka ee ka socda deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Ciidanka faray inay siidardar galiyaan xoojinta howlgalada ka dhan ah  Urarka Al-shabaab ee ka socda deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...